Haatufonline,July 3,2026 Somaliland ayaa hirgalinaysa nidaamka GST(Goods &Services Tax) ee cashuurta ku waajibta adeegyada wax-kala-iibsiga ay dawladda u qabanayaan meheradaha ganacsiga laftoodu. Heerka cashuurtan oo markii horeahaa 5% ayaa hadda la dhimay oo laga dhigay 2.5% ,taasoo ay dawladdu ku tilmaamtay talaabo culayska lagaga khafiifinayo dadwaynaha iyo ganacsatadaba. Sida uu sheegay Wasiirka Maaliyadda Somaliland Cabdillahi Xasan Aadan mar uu Arbacadii dhawayd ka hadlayey arintan, dakhliga kasoo xerooda cashuurtan oo laga qaadi doono hababka wax lagu kala iibsado, ayaa noqon doona sanduuq cusub oo lagu horumarinayo adeegyada aasaasiga ee bulshada sida caafimaadka, waxbarashada,biyaha iyo amniga ,taasoo dadweynaha u saamixi doonta inay si muuqata u arkaan faa’idada cashuurta ay bixiyaan, lana socdaan kolba halka la gelinayo. Nidaamkan GST oo qorshaysnaa inuu hirgalo kowdii bishan ayaa dib loo dhigay toban maalmood arimo farsamo awgood,waxaanu bilaabmi doonaa 11/7/2026. Wasiirka Maaliyadda oo sharaxaad ka bixinaya nidaamkan ,ayaa waxa uu yidhi“Sababta ugu wayn ee dib u dhigida keentay waxay tahay,in ganacsatada qaarkood aanay wali farsamo ahaan uugu diyaar garoobin hirgalinta nidaamkan, waxa seh muhiim ah in bulshada iyo ganacsataduba fahmaan inaanu nidaamkani aheyn cashuur cusub oo lagu kordhinayo bulshada ,balse yahay nidaam dibu habayn ah oo lagu dhimayo,lana sal balaadhinayo cashuurta, isla markaana lagu casriyeynayo habka [...]
2026-07-03 17:05:57